Home » Ciidamada Dowladda iyo malleeshiyada Macawiisley oo la wareegay Masagawaay

Ciidamada Dowladda iyo malleeshiyada Macawiisley oo la wareegay Masagawaay

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo malleeshiyaadka Maxawiisley ayaa lagu soo warramaya inay maanta la wareegeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen gudaha deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen Masagawaay, isla-markaana ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xaqiijinayo amniga.

Cidiamada ayaa sidoo kale isku ballaariyay daafaha deegaankan oo ay sannado badan ka talinayeen dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo ugu dambeyn maanta laga saaray.

Qabashada Masagawaay ayaa soo socotay maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgalka fuliyay ciidamada millatariga & kuwa malleeshiyaadka Macawiisley ee ka tallaabay xadka Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxayna saraakiishu sheegeen inay ka warbixin doonaan howlgalka ka socda halkaasi, marka ay xaqiijiyaan amniga guud ee deegaanka.

Masagawaay ayaa billow u ah xoreynta ay waddo dowladda Soomaaliya oo haatan qorshaheeda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Howlgallada ka socdo dalka ayaa guulo waa weyn laga gaaray, tan iyo markii ay kasoo billowdeen gobolka Hiiraan, waxaana hadda uu dagaalka u wareegay gobollo cusub.

Si kastaba, Ururka Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano la dagaallameysay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa haatan wajahaya dagaalkii ugu adkaa ee abid lagu qaado, kadib markii ay kacdoonka haatan socdo ku biireen malleeshiyo is xilqaamay oo aasaaskoodu ahaa 2014-kii.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved