Home » Qarax ka dhacay Kabul oo ay ku geeriyoodeen 10 qof

Qarax ka dhacay Kabul oo ay ku geeriyoodeen 10 qof

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay Albaabka hore ee Garoonka Diyaaradaha Milliteriga dalka Afghanistan oo ku dheggan Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha (Kabul International Airport).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Taalibaan, Abdul Nafi Takor oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey inay tiro Muwaadiniin ah ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay baarayaan waxa sababay iyo dadkii ka dambeeyey Qaraxaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof geeriyootay, 8 kalena ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Warar aan weli la xaqiijinin ayaa sheegay in Xafiis ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghaniatan ku leeyihiin meel ku dhow Garoonka uu dab qabsaday.

Ma jirto Koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, inkastoo Kooxda Daacish looga bartay Qaraxyada noocaasi oo kale ah.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 5 Muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu dhaawacay Hotel ku yaalla magaalladda Kabul, kadib, markii ay Kooxda Daacish (ISIS) weerareeen Hotel ay ku badan yihiin dadka Shiineeska.

Si kastaba, Taalibaan ee talada dalkaasi dib ugu soo laabtay bishii August ee sannadkii 2021-dii waxay sheegaan inuu soo hagaagay Ammaanka Guud ee dalkaasi, inkastoo ay dhaceen Qaraxyo iyo Weeraro oo ay inta badan Kooxda Daacish sheegatay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved