Home » Turkiga oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Turkiga oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.

Safiirka cusub ayaa beddeli doona Mehmet Yilmaz oo tan & sannadkii 2018 shaqadaan hayay, waxaana lagu xasuusan doonaa Yilmaz kor u qaadista xiriirka labada dal iyo kordhinta tirada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata waddanka Turkiga.

Ibrahim Mete Yagli oo ah diblumaasi xirfadeed oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga 1986 ayaa sidoo kale waxa uu soo qabtay jagooyin dhowr ah gudaha iyo dibadda, oo ay ku jiraan ku-xigeenka koowaad ee safaaradda Poland iyo Agaasinka guud ee arrimaha dhaqaalaha ee wasaaradda arrimaha dibadda 2008.

Yagli ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro bishan Janaayo si uu warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan oo diblumaasiyadeed, dhaqaale, militari iyo mid siyaasadeed tan & horraantii 2010-kii.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ankara ay Muqdisho ku leedahay dhismaha safaaradda ugu weyn adduunka, taasi oo uu madaxweyne Erdogan furay sannadkii toban sanno kahor.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved