Home » Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha Soomaaliya uu ka geeystay sannadkii 2020-kii

Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha Soomaaliya uu ka geeystay sannadkii 2020-kii

by Mohamed Jibril
0 comment

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin sannadle ah oo ku aadan duqeymaha ay Soomaaliya ka fulisay sanadkii hore ee 2022-kii iyo khasaaraha ka dhashay weeraradaas dhanka cirka ah oo lagu beegsaday Ururka Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in 2022-kii ay gudaha Soomaaliya ka geysteen illaa 15 duqeymood oo dhammaan lagu weeraray Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradaasi lagu taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa malleeshiyaadka Macawiisley ee haatan howlgallada culus ka wada gobollada dalka.

Sida warbixintan lagu sheegay waxaa duqeymahaasi lagu dilay illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, xilli ay abaabulayeen inay qaadaan weeraro halis ah.

Sidoo kale wuxuu Mareykanka meesha ka saaray in duqeymahaas ay wax khasaare ah kasoo gaareen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada la duqeeyay.

Tirada duqeymaha uu Mareykanka fuliyay sannadkii dhammaaday ayaa kabadan tii sannadkii hore ee 2021-kii, markaas oo uu dalka ka fuliyay 11 duqeymood oo dhanka hawada ah.

Wuxuu sidoo kale sanadkii kasii horreeyay ee 2020-kii uu fuliyay 45 weerar, halka 2019 uu Soomaaliya ka geystay geysteen 59 duqeyn, sida ku cad warbixinta kasoo baxday Taliska.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaataa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , gaar ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamiga ah ay kordhisay dagaalka Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved