Home » Xog: Al-Shabaab iyo dowladda oo wada hadlaya

Xog: Al-Shabaab iyo dowladda oo wada hadlaya

by Mohamed Jibril
0 comment

Meelo ka mid ah dalka waxaa ka soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab.

Laamaha amniga Dowladda ayaa sheegaya in ciidanka dowladda horumar ay ka – gaareen dagaalka ka socdo gobolada qaar ee dalka .

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in kadib guulaha ay gaareen ciidanka Dowladda ay Al-Shabaab soo codsadeen in wada-hadal lala galo.

Isagoo kula hadlayay Wasiir ku xigeenka xarunta Golaha shacabka saxaafadda ayaa sheegay in cid kasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee dalkan u dhashay la soo dhaweeynayo balse kuwa Ajaanibta ah wadada kaliya ee u furan ay tahay inay dalka isaga baxaan.

Ma jirto ayuu yiri wasiir ku xigeenka wax meesha yaala oo lagula gorgortami karo kooxaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalamaya kooxda Al- Shabaab oo uu tilmaamay in ay ku jabeen dagaalka socda.

Si kastaba hadalkan ayaa imaanaya iyadoo wali meelo badan oo dalka ah ay ka socdaan – dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda oo gacan ka helaya kooxaha kacdoonka iyo kooxda Al- Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved