Home » Dagaal qaraar oo magaalada Soledar ku dhex maray Ruushka iyo Ukraine

Dagaal qaraar oo magaalada Soledar ku dhex maray Ruushka iyo Ukraine

by Mohamed Jibril
0 comment

Wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo bariga magaalada Soledar ee sida weyn loo burburiyay, una dhow Bakhmut.

Hanna Malyar waxay qirtay in xaaladdu haatan ay adkaatay sida ay hadalka u dhigtay. Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay militariga Ukraine ayaa ka dhawaajiyay in taliyeyaasha ay ka fikirayaan ka bixitaanka Soledar.

Arbacadii, madaxa calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku celceliyay sheegashada ah in ay qabsadeen magaalada, hase yeeshee, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dagaalku uu wali socdo.

Sirdoonka militariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu xoojinayo joogitaankooda dhulka ay qabsadeen isagoo keenaya cutubyo badan oo dhawaan la soo abaabulay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved