Home » Qarax ka dhacay Jalalaqsi iyo Buulaburde oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Qarax ka dhacay Jalalaqsi iyo Buulaburde oo sababay dhimasho iyo dhaawac

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah Faahino dhweraad ah, oo innaga soo gaaraya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday 4 kalane ay ku dhawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Goobjooge ku sugan Jalalaqsi ayaa Horn Life u sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla afaafka hore ee buundada Jalalaqsi, halka midka kale uu ka dhacay banaanka magaalada kadib markii ay Ciidamada rasaas ooda kaga qaadeen.

Maamulka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan wali wax war ah ma uusan ka soo saarin qaraxyadan maanta ka dhacay degmooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi.

Xaaladda magaalooyinkaasi ayaa kacsan waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaas aad u culus.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved