Home » Sawirro: Madaxweynaha Jabuuti oo madaxtooyada ku qaabilay Axmed Madoobe

Sawirro: Madaxweynaha Jabuuti oo madaxtooyada ku qaabilay Axmed Madoobe

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta madaxtooyada dalkaas ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankan madaxda Geelle iyo Madoobe ayaa diiradda waxa lagu saaray tageerada dhinacyada kala duwan ah ee dowladda Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada horumarka iyo amniga.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisa booqashada ay ku joogaan dalka Jabuuti.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved