Home » Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyay danjirihii hore ee Turkiga

Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyay danjirihii hore ee Turkiga

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada, Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yilmaz oo soo gabagabeeyay shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhanka kale Danjire Mehmet Yilmaz oo Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ee diblumaasiyadeed ay la leeyihiin walaalahooda Dalka Turkiga, kuwaas oo u soo gurmaday dadkeenna xilli noloshu adkeyd ee Abaaro ba’an ka jirtay Soomaaliya.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved