Home » Ciidamada dowladda oo la wareegay Xarardheere

Ciidamada dowladda oo la wareegay Xarardheere

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay magaalada Xarardheere oo inkabadan 10 sanno ay maamulayeen Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa iskaga baxay Xarardheere maalmo ka hor ayagoona fariisamo ka sameeystay deegaano u dhow degmada Xarardheere.

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Macawiisleyda ayaa si buuxda ula wareegay dhammaan degmadaasi ayagoona haatan kawada xaqiin amniga lagu xaqiijinayo.

Al-Shabaab ayaa kaxeystay dadkii degganaa degaankaasi ayagoona la sheegay in dhammaanba ay wateen shacabkii ku dhaqanaa degmada Xarardheere.

Tan iyo bishii June dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo is-garabsanaya ayaa Ururka Al-Shabaab dagaal toos ah, lagalay ayagoona ka qabsaday deegaano badan.

Al-Shabaab ayaa laga xoreeyay deegaanno badan sida gobolka Hiiraan qeeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe haatan oo Galmudug iyo Galgaduud looga saaray deegaanno badan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved