Home » Qoor Qoor oo sheegay in maamul loo sameynayo deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab

Qoor Qoor oo sheegay in maamul loo sameynayo deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in maamullo loo magacaabayo Degmooyinka laga qabsaday Al-Shabaab ay si kumeel gaar ah usii shaqeynayaan si loo gaarsiiyo Doorasho Dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka matalaya.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in sababta sida KMG ah loogu sii magacaabayo maamulladan ay tahay in laga shaqeeyo howlaha amniga lagu sugayo si marka qorshahaas uu dhammaado loo qabto Doorashada Golaha Deegaanka deegaannadaasi ka maqnaa gacanta Galmudug.

“Maamulka lasii magacaabo waa mid si KMG ah loosii magacaabayo, deegaannada xorta ah ee Galmudug waxaa dhammaan ka hirgalay maamullo Dadku ay doorteen, kuwaan waxa aan u rabnaa sidaas oo kale, Maamullada aan magacaabeyno waa KMG oo Doorasho gaarsiinayo, dib u xorreynta ayay qayb ka tahay in maamul la sameeyo” Qoor Qoor.

Qoor Qoor madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale sheegay in ka maamul ahaan adeegyada Bulshada laga hirgeliyo degmooyinka gacanta dowlad gboleedka soo galay sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo garab istaagga Dadka gacan qabashada u baahan.

Dadka ka maqan degmooyinka laga qabsaday Ururka ayuu ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda isaga oo sheegay in ciidamada dowladda federaalka & malleeshiyada Macawiisleyda ay lasii joogi doonnaaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Marka Cadawga laga xoreeyo deegaannada kaddib in aan Dadka soo celino waxaana ugu baaqeynaa in Dadka maqan dib usoo laabtaan si aan ugu sameyno qorshaha xasilinta, cid u adeegto ma lahayn, waxaana codsaneynaa in nalagu garabsiiyo arrintaan” Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka, iyo daraawiishta, dadka deegaanka & Saaxiibbada ka garabsiiya duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn (Drones).

Al-Shabaab ayaa dhowaan laga qabsaday labo deegaan Xarardheerw iyo Galcad halka deegaanka Xarardheere uu u ahaa deegaanka ugu muhiimsanaa kooxdani.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved