Home » Ciidadama DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee Jubbada Hoose

Ciidadama DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee Jubbada Hoose

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa dagaallamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

War kooban oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo lagu faafiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Dowladda oo ay wahliyaan Ciidamkada Maamulka Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Janaay Cabdalle.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay si nabad ah ula wareegeen deegaanka “Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaan Muhiimka ah, baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha Magaalada,Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in AL-shabaab laga ceyriyay deegaankaas Birta dheer.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa Xoogga iyo kuwa Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa qaar ka mid ah Gobollada Dalka ka wada howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab kaas uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved