Home » Ciidamada DF oo howlgallo kawada deegaano hoos taga Xarardheere

Ciidamada DF oo howlgallo kawada deegaano hoos taga Xarardheere

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-Shsbsab kawada deegaanno hoostaga Degmada ee Xarardheere Gobolka Mudug.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur & Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa hoggaaminaya Ciidamada dhaqdhaqaaqa kawada deegaannada hoostaga Xarardheere.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay heleen xogo la xiriira dhanka amniga si ay uga hortagaan weeraro Al-Shabaab ku qaaddo saldhigyada Ciidanka ay ka sameysteen Degmada Xarardheere.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleyda ayaa qabsaday saddex magaalo oo muhiim ah oo muddo dhowr & toban sano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Xarardheere, Ceeldheere iyo Galcad waa saddexda Magaalo ee maalmo is xig-xigay ciidamada Dowladda Federaalka & Macawiisleyda u suuragashay in ay qabsadaan iyaga oo aanay dagaal kala kulmin Al-Shabaab oo muddo maamuleysay.

Galcad waxaa Jimcihii (20-ka bishan Janaayo 2023) weeraray dagaallamayaal katirsan Al-Shabaab waxaana ka dhashay weerarkaas dhimasho, dhaawac & burbur soo gaaray gaadiidka labada dhinac ay wateen halka uu ku geeriyooday AUN Taliye ku xigeenkii Ciidanka gaarka u tababaran ee Danab Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved