Home » Daa’uud Aweys oo sheegay DF inay dishay in kabadan 300 oo katirsan Al-Shabaab

Daa’uud Aweys oo sheegay DF inay dishay in kabadan 300 oo katirsan Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho isaga oo uu hareer taagan yahay Ergeyga Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay guulo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas lagu dilay inkabadan 300 oo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay toddobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaasi kudaray in tallaabooyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka Al-Shabaab

“Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu markale raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii Galcad, kaas oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka Xawaadley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo Shataqey.

Wasiir Daa’uud Aweys oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha.

Illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda, waxaana ka mid ah deegaannadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose ee Soomaaliya.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved