Home » Xamsa Barre oo la kulmay danjiraha Sucuudiga

Xamsa Barre oo la kulmay danjiraha Sucuudiga

by Mohamed Jibril
0 comment

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Sacuudiga ayaa diiradda waxaa kagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid ka mahadceliyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid ayaa isna ka mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved