Home » Mareykanka oo $41 milyan oo dheeri ah ugu yaboohay Soomaaliya

Mareykanka oo $41 milyan oo dheeri ah ugu yaboohay Soomaaliya

by Mohamed Jibril
0 comment

Danjire Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku joogta magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Soomaalida, looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun.” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield.

Tan iyo bilowgii sannad-maaliyadeedka ee 2022-ka, Mareykanka waxa uu Soomaaliya ku deeqay 1.3 bilyan oo doollar oo gargaar ah naf badbaadin ah. ah. Maalgelinta Maraykanka ayaa sannadkii hore ka ahayd in ka badan 80 boqolkiiba hawlgallada degdegga ah ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Geeska Afrika.

Kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa afar jeer ka badan midda dalalka kale ee caalamka, waxaana gargaarkaasi dadka Soomaaliyeed gaarsiiyay cunnto, biyo iyo hoy.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved