Home » Odayaal la sheegay inay la macaamileen Alshabaab oo xukun lagu riday

Odayaal la sheegay inay la macaamileen Alshabaab oo xukun lagu riday

by Mohamed Jibril
0 comment

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, ayaa xukun xabsi shan sano ah ku riday saddex odey dhaqameed, oo loo haystay inay heshiisyo la galeen ururka Al-Shabaab.

Saddexda nabadoon oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid dawladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin ururka Al-Shabaab.

Xukunka maxkamadda, ayaa waxa kaloo kamid ah, in marka ay dhameystaan xabsiga shanta sano ah, uu boolisku la socon doono dhaqdhaqaaqooda.

Odayaasha ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay maanta.

Nabadoonnada la xukumay, ayaa 27 kii Diiseembar laga soo xiray magaalada Cadaado, kadib markii ay heshiis kula soo galeen Al-Shabaab magaalada Xarardheere, kahor inta aanay gacantooda ka bixin.

Heshiiska ayaa waxa kamid ahaa in lasii daayo dad ka badan lixdan qof oo kooxda Al-Shabaab ay haysatay, iyo in gaadiidleyda reerka Cadaado dagan loo fasaxo inay ka shaqaysan karaan dhulka ay xukumaan kooxdu.

Taa badalkeeda odayaashu waxay oggolaadeen qoddobo ay kamid ahaayeen in deegaannadooda aan loogga duulin kooxda, iyo in maleeshiyo beeleedyadooda ka reebaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved