Home » Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir

by Mohamed Jibril
0 comment

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kaddibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen malleeshiyada Al-Shabaab.

Ururka ayaa sheegay in ninkan uu kamid ahaa raggii fuliyay weerarkaasi gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Yaxye ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay malleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta gobolka ayaa wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan malleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa wuxuu ku sheegay in xarunta u beegsadeen si ay u gumaadan madaxda muhiim ah ee halkaasi ku sugan.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xooggan, uusan wax ka baddeli doonin beegsiga madaxda iyo masu’uliyiinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan malleeshiyada weerarrada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhallinyaradaasi lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir khaldan oo galaaftay nafahooda iyo boqollaalka shacab.

22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaanno katirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda, halkaasoo inkabadan 5 saacadood ay ka dagaallamayeen.

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkastoo saacado kaddib lasoo afjaray, weerarkaasi waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Malleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynayay, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii ugu danbeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kaddib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii kan ka horreeyay oo toos ahaa ay ku qaadeen Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo ay saacado ka dagaallamayeen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved