Home » Dagaal culus oo caawa ka qarxay deegaano hoostaga Galgaduud

Dagaal culus oo caawa ka qarxay deegaano hoostaga Galgaduud

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goordhow uu dagaal xooggan ka billowday meel ku dhow deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada degaanka ee loo yaqaanno macawiisley iyo Kooxda Al-shabaab.

Sida wararku ay sheegayaan dagaalka ayaa billowday kaddib markii la helay xog sheegeysa in Al shabaab ay isku uruursanayaan degaanku uu dagaalku ka socdo kadibna weerar looga qaaday dhinaca degmada Maxaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah, ee ka dhashay dagaalka, waxaana degmada Maxaas laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas la isku adeegsanayo labada dhinac.

Dhinaca kale, ciidamada amniga magaalada Beledweyne ayaa caawa xabsiga dhigay odoyaal dhaqan oo la sheegay iney Al-Shabaab la macaamileen, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo caddaaladda, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dhowaan ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamada ay xukuntay saddex nabadoonno oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid dawladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin Ururka Al-Shabaab.

Xukunka maxkamadda, ayaa waxa kaloo kamid ah, in marka ay dhammeystaan xabsiga shanta sano ah, uu boolisku la socon doono dhaq-dhaqaaqooda.

Odayaasha xukunka lagu riday ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay 29-ka bishaan January.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved