Home » Weerar hoobiyeyaal ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho xili shir muhiim ah uu jiro

Weerar hoobiyeyaal ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho xili shir muhiim ah uu jiro

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaafiic hoobiyeyaal ah, ayaa ku soo dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho u ka furmo wada hadal u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, oo looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa Horn Life u sheegay inay suuragal tahay in duqeyn culus lagu garaaco meel u dhow Villa Soomaaliya, oo ah guriga uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Goobta uu weerarku ka dhacay, ayaa la xiray, si baaritaan loogu sameeyo. Shirka madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, ayaa sidoo kale la filayaa in loogga hadlo qorshaha ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ee Soomaaliya dhamaadka sanadka 2024-ka.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ugu weyn uu hakad ku jiro, dhammaan duullimaadyada laba maalmood, shirka ka dhacaya magaalada awgeed.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved