Home » Xamsa Barre oo kulan la yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad

Xamsa Barre oo kulan la yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad

by Mohamed Jibril
0 comment

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Puntland.

Ugu horreyn Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, isaga oo tilmaamay in uu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

22 October 2022-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho ku tagay Gobolka Mudug ayaa isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Dekedda Garacad ee laga hirgaliyay Gobolka Mudug ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa mashruucii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland, kaas oo lagu dhisay isutashi dadweyne.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved