Home » Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xarardheere

Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xarardheere

by Mohamed Jibril
0 comment

Labo ka mid ah dhallinyarada ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar ayaa ciidanka ay isku soo dhiibeen u sheegay in ay Al-Shabaab uga biireen gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Sida lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa Howgallo ka bilaabay Dowlad Gaobleedyada Hirshabeelle iyo Galmudud, iyada oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaanno dhawr ah oo ay ka taliyaneen in ka badan 10 sano.

Maalnimadii shalay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhammaaday shir afar geesood ah kaas oo ay isugu yimaadeen Dalalka Safka hore, waxaana shirguddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa howgalka socda.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved