Home » Xiisadda siyaasadeed ee Puntland oo cerka isku sii shareereysa

Xiisadda siyaasadeed ee Puntland oo cerka isku sii shareereysa

by Mohamed Jibril
0 comment

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyinka qaar.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay xalay tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo digniin culus soo saaratay.

Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka socoto caasimada Garoowe.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhinacyada ku lugta leh arrintaasi.

“Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan markale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland

“Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiwaan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciidamada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doorashada ee maamulkaasi.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved