Home » Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansaxiyay sharciga NISA

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansaxiyay sharciga NISA

by Mohamed Jibril
0 comment

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka.

53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isuguna ansixiyay, weliba cod aqlabiyad leh.

Sidoo kale sharcigan ayaa toos ugu sii gudbi doono Xubnaha Golaha Aqalka Sare, si ay uga doodaan, una meel mariyaan, kadibna xafiiska madaxweynaha, si uu u saxiixo.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla-markiiba ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo sidoo kale la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved