Home » Beesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Laascaanood

Beesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Laascaanood

by Mohamed Jibril
0 comment

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka saaxibada Soomaaliya ayaa waxaa dhinacyada loogu baaqay in si deg-deg ay u joojiyaan colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka.

Dalalka beesha caalamka ayaa dhanka kale waxay ugu baaqeen labada dhinac in xiisadda taagan lagu xalliyo qaab nabadeed iyo wadahadal.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu xusay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray rayidka oo ay ku jiraan caruur.

Waxaa wali magaalada Laascaanood ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaaliland iyo dadka deegaanka.

Waxaa magaalada duleedkeeda wali laga maqlayaa dhawaqa hubka culus ee ay labada dhinac isweydaarsanayaan.

Marba-marka ka dambeysa waxaa sii kordhaya khasaaraha dagaalka, iyada oo dad rayid ay ku jiraan dadka ku waxyeelobay.

Waxaa sidoo kale magaalada ka qaxay dad badan oo u qaxay tuulooyiinka magaalada u dhaw iyo goobaha miyga.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved