Home » Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laascaanood oo saakay mar kale dagaal ka qarxay

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laascaanood oo saakay mar kale dagaal ka qarxay

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha.

Dagaalka oo ah mid xoogan, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayid ah oo isaga barakacay guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo koonfurta Laascaanood, isla-markaana uu kusii fidiyo meelo ka baxsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socota duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiin lagu garaacayo xaafado ka tirsan magaaladaasi, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegtay in khasaaraha in tirada dhimashada ay korortay, ayna kor u dhaaftay iillaa 100 qof, dhaawacana uu ka badan yahay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday koonfurta magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved