Home » Kiiska Ikraan oo ku 600-casho jirsaday “far iyo meel bugtaa is-og”

Kiiska Ikraan oo ku 600-casho jirsaday “far iyo meel bugtaa is-og”

by Abdirahman Adani
0 comment

MUQDISHO, Soomaaliya – Lix boqol maalmood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii la waayay sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, mid kamid ah shirqooladii hirgalay ee jiheeyay doorashooyinkiii madaxtinimada Soomaaliya 2021-2022.

Sokow macluumaad teel-teel ah oo xarig-jiidka siyaasadda uu dibadda usoo saarey, ma jirto fahfaahin madax-banaan oo laga bixiyey bilow illaa dhamaad kiiskan. Macluumaadkaas labada dhinac is-haya faafiyeen ayaa wada qiraya in la dilay Ikraan.

Hase ahaatee, waxaa ay ku kala duwan yihiin cidda dabinka dhigtey iyo gacmaha fuliyey. Tafaasiisha kale ee sugan waa in ay cid ugu war dambeysay habeenkii June 26, 2021, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo amni iyo xubnaha qoyskeeda.

Inta badan siyaasiyiintii ololaha xil-raadinta ku jiray ayaa kiiskan udub-dhaxaad kawada dhigtey. Balse, dadka si xoogan uga hadlay waxaa kamid ah madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hal-doorka kooxdiisa siyaasadeed.

La xiriirintii hogaanka nidaamkii xukunka hayey iyo ku baaqida baaris madax-banaan ayaa bud-dhig u ahaa hadaladooda. Madaxdii waqtigaas xafiiska joogtey ayaa fariimahan u arkayay kuwa “siyaasadeysan”. Shacabka ayaa jahwareer ka qaadey.

Galka oo taariikheysan

June 26, 2021: Ikraan Tahliil Faarax oo kasoo laabatay Boqortooyadda Midowday ee Ingiriiska ayaa lagu dhex-waayay xeyndaabka Madaxtooyadda Soomaaliya.

July 22, 2022: Mahad Salaad Maxamed oo xilligaas ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hogaanka hay’adda NISA ku eedeeyay “khaarijinta Ikraan”

Sept 2, 2021: Hay’adda Mukhaabaraadka Soomaaliya oo war qoraal kooban ku daabacdey ciwaankeeda barta Twitter-ka ayaa geerida la xiriirisay kooxda Al-Shabaab

Sept 3, 2021: Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo war-saxaafadeed soo dhex-mariyey warbaahintooda ayaa si dhif iyo naadir ah isaga fogeeyay dhimashadda sarkaaladda.

Sept 3, 2021: Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigaas ahaa musharax madaxwayne ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey “cadaalad” iyo “baaris madax-banaan”.

Nov 21, 2021: Maxkamada Ciidanka oo loo xil-saarey baaritaanka ayaa bari-yeeshay hogaankii hayay taladda hay’adda NISA markii “la afduubatay lana dilay Ikraan”.

June 11, 2022: Fahad Yaasiin oo wareysi bixiyey kadib doorashaddii 15-ka May ayaa dilka Ikraan u saariyey Mahad Salaad, Ra’iisul Wasaare hore Rooble iyo Al-Cadaala.

Ubucda iyo sooyaalka Ikraan

Ikraan oo shaqada NISA kahor kasoo shaqeysay xafiiska duqa Muqdisho – xilligii marxuum Injineer Yariisow – ayaa dadka yaqaano waxay sheegeen in ay ku xeel-dheereyd ammaanka internet-ka iyo u qareemida xuquuqda aadanaha.

Eheladeeda ayaa laga waayey shaashadaha warbaahinta kadib doorashadii May, 15, 2022. Ololihii cadaalad raadinta ayaa gabi ahaanba joogsadey. Si dhab ah looma ogga haddii arrinta daaha gadaashiisa lagu dhameeyay.

Illo wareedyo ku dhow garsoorka Soomaaliya ayaa u sheegay Garowe Online in ay diyaar u yihiin qaadista dacwadda galkan “balse joojinta geedi-socodka maxkamadeynta qadiyadan ay ka dhalatay amar heer sarre ah”.

Dadka kasoo horjeeda maamulka haatan talada haya oo ay kamid yihiin madaxdii ay xukunka kala wareegeen ayaa rumeysan in “cadaalada loo xagal-daacinayo maadaama far iyo meel bugtaa ay is-og-tahay”.

Sikastaba ha ahaatee, qaabka loo maareeyo kiiskan ayaa wuxuu tusaale u noqonayaa mustaqbalka sarkaalka ama sarkaalada u shaqeysa hay’adda sirdoonka Soomaaliya iyo kalsoonida uu ku qabi karo in uu badbaadayo halis walba uu qaranka u galo.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved