Home » Man City oo Arsenal kala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League

Man City oo Arsenal kala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League

by Mohamed Jibril
0 comment

Kooxda Manchester City, ee aan la celin karin, ayaa hoggaanka horyaalka Premier leaguge si naxariis darro ah kagala wareegtay kooxda Arsenal, kadib markii ay xalay 3-1 gurigeeda uga soo badisay.

Kooxda Arsenal oo rajeyneysa inay ku guuleysato horyaalka kadib tan iyo 2004 ayaa rajadeeda waxaa gaabiyay City, waxaana goolasha u kala dhaliyay Kevin de Bruyne, Jack Grealish iyo Erling Haaland, halka goolka Arsenal oo ahaa mid rigoore ah uu saxiixay Bukaya Saka.

In kasta oo kulan baaqi u yahay Arsenal, hadana guuldarrdan ayaa aheyd tii ugu horreysay ee Arsenal gurigeeda kusoo gaarta xilli ciyaareedkan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa leh 51-dhibcood, waase isku dhibco Arsenal. Farqiga kala sarreyntooda ayaa ah dhanka goolasha.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qiray in City ay ka faa’iideysatay khaladaad dhowr ah oo ay galeen ciyaartooydiisa.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved