Home » Xamsa Barre oo guddi u magacaabay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

Xamsa Barre oo guddi u magacaabay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

by Mohamed Jibril
0 comment

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray gurmadka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

“Ra’iisul Wasaare Xamsa oo garowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bayaankan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddi ka kooban 11-xubnood oo isugu jira wasiirro, culimo iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo kala ah:

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi

3.Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir

  1. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  2. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  3. Suldaan Cabdiqani Qorane
  4. Cumar Xasan Maxamed
  5. Axmed Maxamuud Yuusuf
  6. Axmed Shirwac Maxamed
  7. Duniya Maxamed Cali
  8. Prof. Xuseen limaan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved