Home » Xasan iyo Xamse oo bilaabay in ay dalka ku dhaqaan “Nin wax haystaa wax loogu daraa”

Xasan iyo Xamse oo bilaabay in ay dalka ku dhaqaan “Nin wax haystaa wax loogu daraa”

by admin
0 comment

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ay madaxda ka yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqdey in ay hal milyan doolar ugu deeqayaan dadka wax ku noqdey dhul-gariirka ee dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lacagtan ka sheegay shir ka dhacay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho. Talaabadan waxay kusoo aaday iyadda oo nidaamka haatan jira uusan kaalin muuqata ka cayaarin qadiyada Laascaanood.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa is-waydiinaya waxa ku kalifay Xasan iyo Xamse in ay lacag intaas la eg ku bixiyaan gurmadka Turkiga balse aysan hiil iyo hoo u muujin shacabka dhibaatada kasoo gaartey dhibta Laascaanood.

“In aysan cambaareyn dhibaatada ku socota Laascaanood, in aysan kaalin dhexdhexaadin cayaarin iyo in ay gurmad muuqadan qaadan, waa talaabo ku jees-jeesid ah in dowladda federaalka dal kale lacagtaas u dirto dal shisheeye,” ayuu yiri qof kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Wuxuu raaciyey: “Waxay tani u muuqataa in ay dhaqan-gelinayaan oraahdii caanka ahayd ‘Nin wax heestaa wax loogu daraa’ taasoo runtii gaf ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeega ka sugaya”.

Inta la xaqiijiyey, 80-kun qoys ayaa ku barakacay dhibaatadda Laascaanood. Qaramada Midoobay waxay sheegtey in dadkaas ay haatan wajahayaan xaalad aad u adag. Cunto la’aan, nadaafad-xumo iyo hoy la’aan ayaa ku haysta goobaha tageen.

Caasimada Puntland ee Garowe ayaa kamid ah meelaha ay tageen dadkaas. Wariyeyaasha magaaladda waxay soo sheegayaan in xukuumada Deni ay dayacdey dadkaas. Tani waxay ku kaliftey qaarkood ay in ay tagaan magaalooyin kale.

Taliska Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska jooga wax ku dhow hal sano ayaa durba waxa uu u muuqdaa mid xoogga saaraya sidii uu u raaligelin lahaa dowladaha ajnabiga ah taasoo dayac iyo xaalad quus ah ku rideysa shacabka adeega ka sugaya.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved