Home » Weerar lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee Muqdisho

Weerar lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada Amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo weerar ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasiis.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Horn Life u sheegay in qarax uu ka dhacay afaafka gurigaasi kadibna dablay hubaysan ay weerar ku galeen guriga.

Dablaydaas ayaa laamaha amnigu aamisan yihiin inay gaarayaan ilaa afar qof. Qaraxan ka dhacay afaafka guriga ayaa sidoo kale saraakiisha amnigu aamisan yihiin inuu ahaa qof ismiidaamiyey.

Waxaa la arkayey ciidamada oo ku xeeran gurigaasi iyo rasaas dhacaysa.
Laba ilo wareed oo ku sugan Muqdisho ayaa goor hore u sheegay Horn Life inay guriga la weeraray joogeen ciidan ka tirsan kuwa degaanka oo kusoo dhaawacmay dagaalladii ka dacay gobollada dhexe ee dalka.

Qaar ka mid ah dadka ku sugnaa gurigaasi ayaa ciidanka dawladdu ay soo badbaadiyeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdishu.

Al-Shabaab waxay sheegteen inay tobannaan Macawiisley ah ku dileen weerarka, sheegashadaas oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin. Dawladda Soomaaliya ayaan weli rasmi ah uga hadlin weerarkan.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollo ka mid ah dalka, hawlgalladaasi oo dhul ballaaran dawladdu ku qabsatay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved