Home » Ciidamada dowladda federaalka oo mar kale xiray Cabdalle Muumin

Ciidamada dowladda federaalka oo mar kale xiray Cabdalle Muumin

by Mohamed Jibril
0 comment

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xasan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalle Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalle Muumin inuu xiranyahay.

Xilliga la xirayay Wariye Cabdalle Muumin waxa uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ugu qeyb galayay kullan uu soo agaasimay Aqalka Sare oo looga hadlayay Hindise Sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadda ee cayiman ee ay dhawaan Golaha Wasiirrada ee dowladda Soomaaliya ansixiyeen.

Qareenka Cabdalle ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay buuq iyo murran muddo socday, kadib markii ay iyaga iyo ilaaladii hotelka ka codsadeen ciidamada in la tuso waaranka ama warqadda Maxkamadeed ee xiritaankiisa, markii danbana ay xoog ku ka-xeysteen.

Cabdalle Muumin ayaa sidan oo kale waxaa 11-kii bishii October ee sanadkii hore Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo xiray ciidamada dowladda, iyadoo lagu eedeeyay eedo ay ka mid ahaayeen sumcad dil iyo amar diido.

Kadib dhageysiga dacwadiisa oo soo martay 4 wareeg, ayaa 13-kii bishan Febaraayo waxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay Cabdalla Muunim laba bilood oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa xilligaas sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo ka mid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey.

Sida uu Qareenkiisa Cabdiraxman Xasan u sheegay Horn Life  Celcelis ahaan waxa uu xabsi toos ah ku jiray Cabdalle Muumin muddo 10 maalmood ah oo kala duwan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved