Home » Waa Kuma ninka qaatay kursigii Fahad Yaasiin

Waa Kuma ninka qaatay kursigii Fahad Yaasiin

by Mohamed Jibril
0 comment

Sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee guddiga Doorashooyinka ee heer federaal ee Soomaaliya, ayaa Kursiga tirsigiisu yahay #086 ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax, ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.

Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98.

Codaynta Doorashada markii la gudogalay, ayaa waxaa ka baxay tartankii Cabdirisaaq Bukhaari Axmed.

Marka kaidb, ayaa waxaa gacantaag looggu codeeyay doorashada xubinta kali ah ee soo hartay, ee Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.

Sagaashan iyo sideed ruux, ayaa ku codeysay Haa, mana jirin wax diiday ama ka aamusay.

Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed, ayuu ku helay 98 cod, oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday qofkii ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay ee #086 ee Golaha Baarlamaanka federaalka dowladda Soomaaliya.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved