Home » Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyooday labo tareen oo isku dhacay gudaha dalka Giriiga

Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyooday labo tareen oo isku dhacay gudaha dalka Giriiga

by Mohamed Jibril
0 comment

Waaxda dab damiska dalka Giriiga ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal iyo labaatan qof ay ku dhinteen in ka badan siddeetan iyo shan kalena ay ku dhaawacmeen ka dib marki ay laba tareen isku dheceen habeennimadii arbacada.

Shaqaalaha samatabbixinta oo ku shaqeynaya xaalad aad u adag meel ku dhow magaalada Larissa ayaa si aad ah u baaraya gaadiidka burbursan. Mid ka mid ah tareennada ayuu olol qabsaday markii hore, Waxaana jirta cabsi laga qabo in dad ay weli ku xayiranyihiin gudaha burburka.

Samatabbixiyaasha ayaa habeennimadii oo dhan ka shaqaynayay sidii ay u soo saari lahaayeen rakaab saarnaa mid ka mid ah tareenada markii uu shilku dhacay.

Tareenka ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 350 rakaab ah uu ku dhacay tareen xamuul ah.

Muuqaalo lagu daabacay mareegaha wararka ee maxaliga ah ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka soo baxayay tareennada burburay.

Ku dhawaad 150 shaqaalaha dab damiska ah iyo 40 ambalaas ah ayaa ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen dabdamisku.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay shilka tareenka rakaabka, kaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Thessaloniki iyo Larissa.

“Waxaan maqalnay jug weyn,” Rakaabka Stergios Minenis ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxay ahayd riyo 10 ilbiriqsi ah, tareenkii ayaanu ku rogmanaynay ilaa aanu dhinacyadayada tareenka ka daadannay, ilaa uu buuqu joogsaday, ka dibna waxa dhacay argagax, fiilooyin, dab. Dabku markiiba waa uu dhacay

“annaga oo gadgadoomeynna ayaan gubaneynay, Dab baa midig iyo bidixba ahaa… Toban iyo shan iyo toban ilbiriqsi oo musiiba ah ayey ahayd, way is-daba-mareen, dab, fiilooyinka ayaa soodaatay, daaqadaha jabay, dadku way qaylinayeen, way ku dhex. Waxaan ka boodnay meel dheerarkeedu yahay laba mitir. meeshaan ka soo boodnay si aan uga baxno hoostana waxaa ka buuxay burburka biro laakiin maxaan sameyn karnaa?”

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved