Home » Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo go’aano adag kasoo saaray dilalka loo geysto Bajaajlayda

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo go’aano adag kasoo saaray dilalka loo geysto Bajaajlayda

by Mohamed Jibril
0 comment

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka Bajaajleyda oo maalmihii dambe aad u kordhay.

Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno looga hortagayo dhibaatada ay la kulmaan darawalada Bajaajta.

Sidoo kale wuxuu goluhu faray saraakiisha laamaha ammaanka in ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo dilalkaas, si loo xisaabtamo askarta geysaneysa.

Dilalka Bajaajleyda ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dhowr darawal loogu dilay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ka dhashay dibad-baxyo xoogan oo ay dhigeen Bajaajleyda, ayaga oo xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, si cabashadooda usoo bandhigaan.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG, kadib markiii la horgeeyay

Guddigan oo ka kooban illaa 5 xubnood ayaa waxaa soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, ayada oo goluhu ansixiyay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada.

Waxaa kale oo ee goluhu meel -mariyay laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved