Home » Weerar: Hoobiyaal oo lagu garaacay Muqdisho

Weerar: Hoobiyaal oo lagu garaacay Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya jug xooggan oo hoobiye ah ayaa caawa laga maqlay caasimadda Muqdisho, waxaana goobihii ay ku dhaceen laga helayaa faahfaahino hor dhac ah.

Hoobiyaasha mid ka mid ah labada Hoobiye ayaa ku dhacay School Jabuuti oo u dhow isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho oo kala qeybiya dhowr degmo Waaberi Boondheere iyo Cabdicasiis.

Hoobiyaha labaad ayaa ku dhacay dugsi Qur’aan ku yaalla degmada Kaaraan, labadaan hoobiye ee caawa ku soo dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho, weli si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah, ee kadhashay.

Muqdisho inta badan Ururka Al-Shabaab ayaa ku duqeeya Hoobiyeyaal aan laheyn wax bartilmaameed toos ah, waxayna dhiibaato ba’an si joogto ah uga soo geestaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Qoriga hoobiyaha wuxuu leeyahay cabir lagu khiyaasi karo goobta bartilmaameedka xabadda laga rido, sidoo kale waxaa la khiyaasi karaa cabirka goobaha laga soo rido, maadaama lagu xisaabiyo kiilo mitir.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guul-dareystay inay soo qabtaan Shabaab-ka hoobiyaha ka soo rida gudaha ama daafaha magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan bishii laba mar ayaa shacabka Muqdisho lagu soo weeraraa qoriga hoobiyaha oo si indha la’aan ah ay u soo riddo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isaga habsadaa guryo ay leeyihiin dad shacab ah, maadaama ay aad u kooban yihiin xarumaha dowladda.

Kooxda Al-Shabaab markii ay hoobiyaha ku disho dad shacab ah, waxay ku faantaa inay beegsatay saraakiil iyo masu’uliyiin dowladda ka tirsan, taas oo xaqiiqada ka fog.

Dadka reer Muqdisho oo dhibaagto badan kala kulmay ayaa aad uga cabsada kooxda Al-Shabaab, inta badana ma dhacdo inay iska qabtaan kooxdaan markii ay fal-dembiyeedka geysaneyso ama laamaha ammaanka ay ku war-geliyaan.

Cabsida shacabka Muqdisho waxay dheereysay cirmriga Al-Shabaab iyo beegsiga ay ku hayaan malaayiinta qof ee ku nool gobolka Banaadir, sidoo kale dowladu weli ma fahmin xeeladaha kooxda, waxayna ugu dambeyn u bixisay magac quus u muuqda oo ah ‘Garanwaa.’

Sidoo kale waxaa usii dheer oo dilalka iyo dhibaatooyinka ka socda magaalada Muqdisho ay xoogeysteen ciidamada dowladda oo laaya wadayaasha bajaajleyda dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa dibad-bax dhigay dhallinyarada ku shaqeysata bajaajta.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved