Home » Dal lagu eedeeyay inay Wasiirradisu u noolyihiin “sida fannaaninta caanka ah”

Dal lagu eedeeyay inay Wasiirradisu u noolyihiin “sida fannaaninta caanka ah”

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in golihiisa wasiirada cusub ay yihiin kuwo maal-qabeena ah, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u habeyn ku sameeyo dowladda.

Hogaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiga (DA) John Steenhuisen ayaa madaxweyne Ramaphosa baarlamaanka gudahiisa ka weydiiyay inay cadaalad tahay in wasiiradu ay “u noolaadaan sida fannaaniinta caanka ah” halka muwaadiniinta ay ku nool yihii nolol caadi ah.

“[Waxay leeyihiin] 98 guri oo qiimahoodu ka badan yahay bilyan rand, waxay helaan koronto iyo gawaari bilaash ah oo kuwa raaxada ah oo heersare ah,” ayuu yiri Mr Steenhuisen.

Mr Ramaphosa ayaa beeniyay sheegashada hogaamiyaha mucaaradka ee ah in Koonfur Afrika ay leedahay golaha wasiirada ugu badan adduunka, isaga oo sheegay in wadanku “la mid yahay waddamada kale”.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa la sheegay in wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada ay ku kharash gareeyeen qiyaastii R19-milyan baabuurta raaxada.

Waaxyaha kala duwan ee dawladda ayaa bixiyay xogtan si ay uga jawaabaan su’aalaha Isbahaysiga Dimuqraadiga (DA).

In kastoo heerka shaqo la’aanta waddanku ay sare u kacday dhaqaaluhuna uu hoos u dhacay dartiis oo ah masiibada COVID-19, wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada Koonfur Afrika ayaa ku dhawaad ​​R19-milyan ku bixiyay 24 baabuur oo kuwa raaxada ah intii u dhaxaysay 2019 iyo 2021.


You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved