Home » DF oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar adag

DF oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar adag

by Mohamed Jibril
0 comment

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta fartay shirkadaha isgaarsiinta dalka in si deg deg ah u fuliyaan go’aanaddii Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC).

Hay’adda oo shirkadaha isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aanadaasi oo soo guddiga kasoo baxay 14-kii bishii hore ayaa waxay ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga Dhexe ee JFS.”

“Hay’addu waxay shirkada isgaarsiinta ku wargelinaysaa in ay hubiyaan in adeegyada lacagaha Mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaq-dhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.”

Sidoo kale waxay hay’addu fartay shirkadahaan inay diiwaan-geliyaan Lafaha (SIMCards-ka) macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha.

Waxay sheegtay in kuwii horay u qaatayna Sim-kaararka dib loogu diiwaan-galiyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo qoddobka 66-aad ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddiga Qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada ayaa 14-kii bishii hore soo saaray go’aano culus, oo uga digayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

Waxa uu guddiga xilligaasi faray shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad inay isku soo diiwaan-geliyaan muddo 30 maalmood gudahood ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan-gashaneyn.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in hadda kadib “si buuxda ula wareegi doonta hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar ay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqista ama maal-gelinta Khawaarijta.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved