Home » Kooxo xagjir ah 36 qof oo rayid ah ku dilay bariga Congo

Kooxo xagjir ah 36 qof oo rayid ah ku dilay bariga Congo

by Mohamed Jibril
0 comment

Milateriga dalka Congo ayaa sheegay in ugu yaraan 36 qof ay dileen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas ka dagaalama, ka dib weerar ay ka geysteen dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa sheegay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahaysiga ee Dimoqraadiga ah oo gacan saar laleh kooxda ISIS inay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay dadka rayidka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkani ka dhacay Bashu, halkaas oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 36 rayid ah, halka ay gubeen qaar ka mida guryihii halkaas ku yaallay.

Xaaladda dhinaca bari ee Congo ayaa beryahanba ahayd mid cakiran, waxaana halkaas ka dagaalama illaa 120 kooxood oo ku loollamaya awoodda deegaankaas, khayraadka halkaas ku jira iyo weliba qaarkood oo u dagaalamaya inay ilaaliyaan bulshooyinkooda.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ciidamadan mucaaradka ah ee la magac baxay Isbahaysiga Xoogagga Dimoqraadiga ah, ku eedeeyey inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida Kufsi, afduub iyo dilal.

Maraykanka ayaa bishan bilawgeedii ku dhawaaqay inuu abaal marin $5 milyan ah siinayo ciddii macluumaad ka keenta hoggaamiyaha kooxdan Seka Musa Baluku.

AP, VOA

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved