Home » Ciidamada Danab oo dilay sarkaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab Jubbada Hoose

Ciidamada Danab oo dilay sarkaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab Jubbada Hoose

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Inkabadan 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Miido oo hoos tagta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ragga la dilay uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Asad, sidoo kalena howlgalka lagu dhaawacay illaa 5 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ururka 5-aad ee ciidanka Danab oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland ayaa fuliyay howlgalkaas, waxayna tuulada Miido ee Al-Shabaab-kan lagu beegsaday waxay 25 KM u jirtaa degmada Afmadow.

Howlgalkaasi ayaa lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca AK47 ah iyo 1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ciidamada sida gaarka ah, u tababaran ee Danab Taliye Carab Dheeg Axmed.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka fuliyaan, sidoo kale ciidan xoog leh oo ka
socda Jubbaland ayaa jooga Afmadow.

Jubbaland deegaannadeeda waxaa ka socda abaabul xoog leh oo loogu diyaar garoobayo wajigga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa fuliya weerarro culus oo ka dhan ah ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, maalmo ka hor waxay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen xero ay ciidamadu ku leeyihiin degaanka Janaa Cabdalle, halkaas oo si xun loogu laayey ciidanka, isla markaana kooxdu ay ku furatay hub iyo gaadiid dagaal oo fara badan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved