Home » Muuse Biixi oo ka hadlay xaalaadda magaalada Laascaanood

Muuse Biixi oo ka hadlay xaalaadda magaalada Laascaanood

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha Somalilandad oo maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas.

“Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo kala shaqaynaysa nabadda gobolka Sool, isaga oo ka digay gacmaha “shisheeye” ee faraha kula jira xaaladda golbolkaas.

Waxau uu mar kale ku eedeeyay dowladda goboleedka Puntland ku lug lahaanshaha dagaalka ka socda Sool, balse Puntland ayaa marar badan beenisay eedeymahaasi.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved