Home » Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere

by Mohamed Jibril
0 comment

Qarax Ismiidaan ah ayaa saakay lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhismahan waxaa deggan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolkaas.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmada Baardheere iyo nawaaxigeeda ayay wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga suu buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Abaandulaha qeybta 43aad Col. Labaale, iyadoo askar ilaaladooda ka mid aheydna ay halkaas ku dhinteen.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa DF ayaa la geeyay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyagoo xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa aagaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxyo iyo rasaas weli laga maqlayo aagga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday, waxaana go’an isgaarsiinta degmadaas.

Xaaladda Degmada baardheere ayaa kacsan, iyadoo saakay aan la furin goobaha ganacsiga cabsida iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee degmadaas ka jira awgeed, jidadka degmada ayaan sidoo kale ka jirin socodka dadka iyo gaadiidka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved