Home » Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

by Mohamed Jibril
0 comment

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in la ogaaday waxa uu yahay cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray dalkaas kaasoo lagu sheegay in uu yahay cudurka Marburg haemorrhagic.

Cudurkan waxaa Tanzania ugu dhintay 5 qof.

Feyraskan qofka uu ku dhaco wuxuu isku arkaa qandho daran, dhiig bax iyo inay shaqada gabaan qaar kamid ah xubnaha jirka.

Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

Wasiirka caafimaadka ee Tanzania Ummy Mwalimu ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan maadama dowladda ay xakameysay fiditaanka cudurka.

Waxay intaa ku dartay in 3 qof oo ku dhacay cudurkan la daweynayo halka ay ku daba jiraan 161 qof oo la kulmay dad uu horey ugu dhacay feyraska.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii koox gaar ah loo diray gobolka dhaca waqooy galbeed ee Kagera oo u dhaw xadka Uganda si ay baaritaan ugu soo sameeyaan cudurka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bogaadisay sida deg dega ah ay Tanzania uga falcelisay cudurka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved