Home » Dowladda Imaaraadka oo gaadiid dagaal ku wareejisay Maamulka Jubbaland

Dowladda Imaaraadka oo gaadiid dagaal ku wareejisay Maamulka Jubbaland

by Mohamed Jibril
0 comment

Dowladda isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid badan oo nooca dagaalka ah gaar ahaan kuwa loo yaqaano Cabdi Bile iyo hub ku wareejisay dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana gaadiidkan laga dejiyay magaalada Kismaayo.

Imaaraadka Carabta ayaana gaadiidkan ku wareejiyay masu’uliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

”Dowlada Jubbaland ayaa Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

Dhowaan ayay ahayd markii Al-Shabaab weerar ismiidaamin ah, ku qaadeen saldhigga Janaay Cabdalle oo ku yaalla Duleedka magaalada Kismaayo halkaasoo uu ka dhacay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac halka ay gaadiid iyo hub fara badan uga furteen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

default

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved