Home » Madaxa Midowga Yurub oo ka digtay saameynta Shiinaha ee dunida

Madaxa Midowga Yurub oo ka digtay saameynta Shiinaha ee dunida

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ka digtay in Xisbiga Shuuciga ee haya talada dalka Shiinaha, uu doonayo inuu beddelo nidaamka caalamiga ah, si uu Shiinaha u noqdo hormuud.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayay ku sheegtay in maamulka Beijing uu ka guurayo waayihii maamulka uu ugu yeeray ‘dib u habaynta iyo fur furitaanka’, iyadoo uu u guuray mid ‘amni iyo xakamayn’.

Von der Leyen, ayaa sheegtay inaysan danta Yurub ku jirin in la macaamilka Shiinaha la joojiyo.

Laakiin waxay sheegtay inay tahay in aragti cad laga qaadato waxyaabaha khataraha leh ee uu xiriirku leeyahay, oo ay qaaddo tillaabooyin — oo ay ku jiraan kuwa diblomaasiyadeed — si loo yareeyo khataraha jira.

Xiisadaha ay iftiimisay, ayaa waxaa ka mid ah Ukraine, Taiwan, xuquuqda aadanaha, wareejinta tignoolajiyada iyo ku tiirsanaanta warshadaha dhanka Shiinaha.

Meelaha iskaashiga faa’iidada leh, ayaa waxaa ka mid ah isbeddelka cimilada, ilaalinta deegaanka iyo noolaha ku dhex jira, iyo ganacsiga tirada badan ee lala leeyahay Shiinaha

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved