Home » Haween timahooda qaawan dartood madaxa looga shubay caano garoor oo la xiray

Haween timahooda qaawan dartood madaxa looga shubay caano garoor oo la xiray

by Mohamed Jibril
0 comment

Labo haween ayaa lagu xiray dalka Iiraan kaddib markii lagu weeraray caano garoor, sababo la xiriira inaysan xiran xijaab.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa laga arki karaa labo haween oo ku sugan dukaan markaasoo uu weeraray nin. Wuxuu bilaabay inuu la hadlo kaddibna wuxuu la soo baxay dhalo caano garoor ay ku jiraan kadibna madaxa uga shubay.

Waaxda caddaaladda Iiraan ayaa sheegtay in labada haween loo xiray sababo la xiriira inay timahooda qaawiyeen, taasoo dembi ka ah dalkaas Iiraa.

Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo ruxay IIraan oo lagu dalbanayay soo afjaridda in haweenka lagu qasbo xirashada xijaabka.

Ninkan ayaa isna la xiray sababo la xiriira inuu dad ku dhibaateeyay meel shaac ah.

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan in habka loo maxkamadeeyo dadkaasi uu yahay mid caddaaladda ka fog.

Dad badan oo la daldalay waxaa kamid ahaa Maxamed Mahdi Karami, 22 jir ku guulaystay tartanka karate-da. Dad xog ogaal u ahaa kiiskiisa ayaa BBC qeybta Faarisiga u sheegay in ninkaas loo qabtay 15 daqiiqo si uu isaga difaaco eedeymaha loo jeediyay.

Dibedbaxyada ayaa billowday kadib markii gabar 22 jir ahayd, Mahsa Amini, ay ku dhimatay saldhig ay leeyihiin booliska xumaan reebidda. Waxaa loo qabtay in aanay si wanaagsan u xiran xijaabka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved