Home » Dabaal degga Hinduuga oo noqday ba’a Muslimiinta Hindiya

Dabaal degga Hinduuga oo noqday ba’a Muslimiinta Hindiya

by Mohamed Jibril
0 comment

Sida dabaal dagii ugu dambeeyay ee Ram Nomi, rabshadaha iyo hadalada naceybka, ayaa ku soo laabtay qeybo badan oo dalka Hindiya ka mid ah.

Haatan dhowr muuqaal oo xambaarsan hadallo naceyb ah, ayaa ku faafay Baraha Bulshada.

Muuqaal fayras ah oo la baahiyey 30-kii Maarso, ayaa dabaal deg ku saabsan diinta Hinduuga masaajid ku yaalka magaalada Hyderabad, waxaa lagu arkay iyadoo astaan xambaarsan diinta Hinduga lagu xiray, minaaradiisuna ay midabka cagaarka ka dhalaalayaan fiidkii.

Waxaa la arkayaa in dad badan oo calan safaf ah wata ay soo istaageen afaafka hore ee masjidkan, oo qof gaari dheer saaran uu khudbad bilaabay.

Afhayeenka kooxda, ayaa waxaa ah T Raja Singh, oo ah xubin laga joojiyay xisbiga BJP, oo ah kan talada dalka Hindiya haya.

Waxa uu yiri “Waxaan sameynay qolo riixis, kadibna macbadka Ram waxa laga dhisay Ayodhya.

Wakhtiga soo socda waxaa jiri doona riixis ama bara bixin kale, iyo macbad kale oo qurux badan laga dhisi doono Mathura.

Waxaa jiri doonta riixis ama bara bixn kale, oo macbad, ayaa laga dhisi doonaa Kashi (Benares) sidoo kale.’

Iyada uu sawaxan kasoo baxay dadwayne uu markaa u khudbaynayay Singh, waxey ku dhawaaqeen ereyo taageero ah.

Wuxuu intaa ku daray, ‘Maqla, oo dhegihiinna fura oo maqla. Raja Singh maaha mid kamid ah dadka cabsada.

Kal hore, ayaa looggu xiray hadal aflagaado ah oo ka dhan ah Islaamka, waxaana laga joojiyay shaqada xisbigiisa BJP.

Laakiin hadaladiisa kala qaybinta, ayaa wali sii socota illaa iyo maanta, waxaana dhawaan lagu qabtay Maharashtra, si loogga hortago khudbado kicin ah, oo uu jeedin rabay.

Bbc

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved