Home » Shirkadda Tesla ee baabuurta oo ballaarinaysa xarumaha Warshadaheeda

Shirkadda Tesla ee baabuurta oo ballaarinaysa xarumaha Warshadaheeda

by Mohamed Jibril
0 comment

Shirkadda baabuurta korontada ee Elon Musk ee Tesla, ayaa sheegtay inay isku balaarinayso dalka Shiinaha, iyada oo dhisaysa warshad cusub oo ay ku samaynayso batariyada waaweyn.

Shirkadda ayaa sheegtay in warshada oo ku taalla magaalada Shanghai ay awood u yeelan doonto inay soo saarto 10,000 oo ka mid ah unugyada kaydinta tamarta ee “Megapack” sannadkii.

Megapack waa baytari aad u weyn oo loo isticmaali karo in lagu xasiliyo shabaqyada tamarta, loogana hortagayo korontada.

Tesla ayaa waxay horey u lahayd warshad Megapack oo ku taalla gobolka California, taasoo sidoo kale soo saarta 10,000 oo xabo sanad kasta.

Musk ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warshadda cusub ee Shiinaha laga hirgalinayo, ay wax soo saarkii hore tiro ku kordhin doonto warshadda Tesla ee Maraykanka.

Shaqada dhismaha ee warshadda cusub ee Megapack ee Shiinaha, ayaa la filayaa inay bilaabato dabayaaqada sanadkan, iyada oo soo saarista baytariga ay bilaabanayso xagaagga sanadka 2024-ka, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Shiinaha ee Xinhua.

Tesla ayaa si degdeg ah ugama jawaabin codsi ay BBC u dirtay oo ku saabsan faallada warkan.

Shiinaha ayaa ah soo soo saaraha ugu weyn ee baytariyada, kaasoo Tesla uu awood u yeelan doono inuu kordhiyo wax soo saarka.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo dowladda Mareykanka ay ku cadaadineysay shirkadaha Mareykanka inay yareeyaan ku tiirsanaanta Shiinaha, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa maamulada Beijing iyo Washington.

Sannadkii hore, shirkadaha tignoolajiyada Mareykanka ee hela maalgelinta federaalka, ayaa waxaa maamulka Biden ka mamnuucay inay Shiinaha ka dhisaan xarumo “teknoloji sare leh” muddo 10 sano ah.

Mamnuucista ayaa waxaa qayb ka ahayd $50bn (£40bn) qorshe loogga dan lahaa in lagu dhiso warshadaha yar yar ee dalka Maraykanka.

Bishii Agoosto Madaxweyne Biden, ayaa wuxuu saxiixay sharci ku kacaya $280bn, oo ah wax soo saarka teknolojiyadda sare iyo cilmi baarista sayniska, iyadoo laga cabsi qabo in Mareykanka uu luminayo hormuudnimada tignoolajiyada, marka la barbar dhigo dalka Shiinaha.

Sanadkii 2019-kii, shirkadda Tesla, ayaa waxay ka furtay warshadeedii ugu horreysay meel ka baxsan Mareykanka oo ku taalla magaalada Shanghai. Warshadda ayaa hadda soo saarta 22,000 oo baabuur toddobaadkii.

Tesla ayaa sidoo kale baabuurta ku samaysa meel u dhow magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, waxayna ku dhawaaqday qorshayaal warshado kale oo dibedda ah lagu sameynayo, gaar ahaan mid ku taalla Monterrey, ee dalka Mexico.

Dalka Shiinaha oo ah suuqa ugu weyn caalamka ee baabuurta lagu iibiyo, ayaa sanadkan hoos u dhac weyn uu ku yimid iibka baabuurta, kadib markii dhaqaalaha dalkaasi uu hoos u dhacay.

Bishii la soo dhaafay, Tesla ayaa hoos u dhigtay qiimaha moodooyinka lagu sameeyay warshadeeda Shanghai, iyadoo ay lasoo daristay in gawaarida la iibin waayo, tartan adag oo dalkaasi ka socda awgiis.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved