Home » Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay laba qodob

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay laba qodob

by Mohamed Jibril
0 comment

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, Mudane Xamza Cabdi Bare.

Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaaraha oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac.

Inta badan shirka golaha wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray dagaalka Al-Shabaab iyo wada shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed dalka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay qorshaha xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab iyo kuwa haatan la xoreyn doono.

Golaha ayaa sidoo kale.diiradda saaray adeegyada guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii gaaray deegaanadaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa.sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa farriin guud u diray ciidamada qalabka sida oo shalay uun u dabaal-degay xuska 63 guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Xoogga dalka, wuxuuna ku booriyay inay halganka sii wadaan.

Dhanka kale, kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved