Home » Ciidamada DF iyo kuwa macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada DF iyo kuwa macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada deegaano ka tirsan Galgaduud

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maanta howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.

Goobaha maanta laga sameeyay ee hawlgalka waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah, iyada oo hadda ku sugan yihiin Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta gaaray tuulooyinkaas.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalka, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in Ciidanka Dowladda ay ku sii jeedaan Degmada qadiimiga ee Ceelbuur.

Ciidamada Dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaar ka mid deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, iyada oo Wasaaradda Difaaca ay shaacisay Sabtidii in Ciidanka Dowladda ay la wareegeen deegaan dalxiiseedka ee Budbud.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved